Hot Topics

Dowladda Kenya oo amar cusub kusoo rogtay dadka Soomaaliyeed ee u socdaalaya Nairobi

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in Guud ahaan la joojin doono Viisihii laga qaadan jiray Magaalada Wajeer, taas badalkeena baaris lagu sameyn doono Magaalada Wajeer oo ay ku hakan doonto Diyaarada ka baxda Muqdisho.

Warqad kasoo baxday Waaxda socdaalka dalka Kenya ayaa lagu caddeeyay in Viisaha dal ku galka laga qaadan doono Garoonka Jummo Kenyatta ee Magaalada Nairobi,islamarkaana baaritaano Amni oo xooggan lagu soo marsiin doono Muwaadiniinta Soomaaliyeed Wajeer.

Amarkaan ayaa si gaar ah u sameyn doona dadka haysta Baasaboorka Diblumaasiga ee Soomaaliya, waxaana dadka Soomaaliyeed ee aadaya Kenya ay la kulmi doonaan caddaadis weyn iyo Waqti lumis ka badan kii ay horay ula kulmi jireen.

War kasoo baxay bishii May ee sanadkan ayaa dowladda Kenya ku sheegay in dhamaan diyaaradaha ka soo duula Soomaaliya ay soo mari doonaan Magaalada wajeer, waxaana amarkan uu meesha ka saaray heshiis ay wada gaareen Madaxweynayaasha Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo dhigayay in diyaaradaha ka duula Muqdisho ay si toos ah uga degaan garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee Magaalada Nairobi.

Dowladda Kenya ayaa xoojisay Caddaadiska ay ku heyso Soomaaliya tan iyo markii uu xoogeystay Muranka dhanka badda ah ee ka dhex taagan labadda dal.