Hot Topics

Jowhar: Weerar lagu qaaday saldhig ay lee yihiin Ciidanka Booliska

Warar dheerada ah ayaa ka baxayo weerar bam-gacameed ah oo xalay lagu qaaday saldhiga Ciidamada Booliska Maamulka Hirshablle ay ku lee yahiin Xaafada Horseed ee Magaalada Jowhar

Weerarkan ayaa sida la sheegay waxaa ku dhaawacmay labo quf oo mid kamid ah uu yahay qof Shacab ah, kaas oo ka ag-dhowaa saldhiga Booliska Hirshabelle ee la weeraray.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ay maqaleen jugta qaraxa, kaas oo ay xigtay rasaas xooggan, waxaana ay intaas ku dareen inay arkeen dhawac hal askari iyo quf dhalinyaro ah oo goobta saldhiga xiligaas joogay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka Magaalada Jowhar, kaas oo ku saabsan weerarka xalay lagu qaaday saldhiga Booliska oo illaa hada aysan jirin cid sheegatay Mas’uuliyadiisa.