Hot Topics

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Dhuusa-mareeb iyo AMISOM oo la wareegtay

Xalada Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, ayaa maanta degan, kaddib xasarado siyaasadeed oo todabaadkii lasoo dhaafay ka taagnaa Magaalada.

Kulamo u dhaxeeya Odayaasha dhaqanka, Mas’uuliyiinta Ahlu-sunna iyo kuwa Dowladda ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo looga arinsanayo xaalada kasii dareysa ee Maamulka Galmudug.

Inta badan Kulamada ayaa diiradda lagu saarayay sidii loo xoojin lahaa Wada shaqeynta Ciidanka AMISOM ee tagay shalay tagay Magaalada Dhuusa-mareeb iyo Ciidankii horay ugu sugnaa Dhuusamareeb.

Ciidanka AMISOM ee gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa saldhigyo ka sameystay goobo ay ka mid yihiin Garoonka Diyaaraddaha ee Dhuusamareeb, waxaana taas ay u muuqataa in gacanta Ahlu-sunna gabi ahaanba laga saaray Dhuusa-mareeb.

Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa lagu waddaa in uu  furmo maalmaha soo socda, waxaana hadda Magaalada ka socda qabanqaabadii ugu dambeysay.

Si kastaba ha ahaatee, Dadka Saadaliya arrimaha Siyaasadda iyo ammaanka ayaa aaminsan in Xukuumadda Federaalka ee haatan ka jirta Dalka ay uga dartay Xaalada Maamulka Galmudug, oo horey ay u curyaamiyeen Khilaafyo Siyaasadeed, ayna haatan ugu darsantay xaalad amni darro, taas oo ka dhalatay kala fogaanshaha dhinacyada ku midoobay Galmudug.