Hot Topics

DFS oo ka hadashay xarigii Wasiirka amniga Jubbaland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xarigii shalay loogu geystay Muqdisho Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi nuur (Janan), xilli uu transit ku ahaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, kuna sii jeeday Magalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa xaqiijiyay xariga Wasiirka, waxaana uu sheegay in Wasiirka loo heysto dambiyo kala duwan uu ka galay Bulshada ku nool Gobolka Gedo iyo deegaannada kale ee la deriska ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi nuur (Janan), ay muddo badan baadi goobayeen Ciidamada laanta dambi baarista CID-da ee Booliska Soomaaliya iyo Booliska Aduunka ee ( Interpol).

Mohamud Abdikadir Hilaal@MohamudHilaal

Abdirashid Janan Wasiir kii hore ee Amniga DG #Jubaland oo danbiyo kala duwan ka galay Bulshada Reer #Gedo iyo degaanada ladariska ah kuna raad joogeen Booliska Caalamiga ah( Interpol) iyo Laanta danbi baarista… https://www.facebook.com/172813986670826/posts/424893224796233/ …1173:39 PM – Aug 31, 2019Twitter Ads info and privacy60 people are talking about this

C/rashiid Janan ayaa eeda ugu weyn ee loo heysto ayaa waxaa ay la xiriirtaa xadgudub dhanka bani’aadannimada gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.

Si kastaba ha ahaatee, Bishii April ee sanadkan ayaa Warqad ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay ku burisay dacwada loo heystay iyo amarkii ka yaalay oo Maxkamadda ku wargelisay Laanta dambi baarista ee CID.