Jubbaland oo war kasoo saartay xarigii Wasiir Janan (War-saxaafadeed)

Guddiga Amniga Jubbaland ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xariggii Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, kaasoo shalay Ciidamada Booliska ay ku xireen Garoonka diyaaradaha Muqdisho, xilli uu ku sii jeeday Addis Ababa.

War saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga Amniga Jubbaland ayaa lagu sheegay in xarigaas uu yahay mid aan raad ku laheyn sharciga, xuquuqda muwaadinka iyo xasaanada Mas’uuliyiinta, waxaana ay ugu baaqeen in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo Mr. Janan.