Hot Topics

VIDEO: Odawaa “Waxaan uga digayaa DFS inay maquuniso Reer Galmudug”

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Xukuumaddii Madaxweyne Xasan Sheekh, ahna Xildhibana ka tirsan Golaha Shacabka ayaa dowladda uga digay inay afduubato doorashada si ay u saarto shaqsi ay dowladda Soomaaliya wadato.

Xildhibaan Odawaa oo ah Musharax u taagan Hoggaanka Maamulka Galmudug, ayaa sheegay in isagu uu yahay shaqsi uga aqoon badan dowladda soo dhisida Maamul, waxaana dowladda uu ka dalbaday inay tixgeliso rabitaanka Shacabka deegaannada Galmudug.

Dadka odarasa Siyaasadda Soomaaliya, ayaa aaminsan in sababta Dowladda Federaalka ay xooga u saartay Arrimaha Galmudug ay tahay inay soo saarato shaqsi taagersan Dowladda si uu Madaxweyne ugu noqdo Galmudug si la mid ah Maamulka Koonfur Galbeed oo uu Madaxweyne ka yahay C/Casiis Xasan Maxamed (laftagareen).