Muxuu ka ogaa Janan qabashadiisa?

Cabdirashiid Janan horay waxuu heshiis qarsoodi ah ula galay Villa Wardhiigley,isagoo ku lacag qaatay in uu doorashada khalkhalgaliyo.

Xoguhu waxay tilmaamayaan in Janan fulinta balantaa ay ku adkaatay unavyeelan waayay awood fulineed.

Haatan waxuu ka yimid Doolow,waxaana laga rabay in uu Adis ku xaroodo oo uu uga sii horeeyay Wasiirka Maaliyada Jubsland Cabdirashiid Jire.

Janan sii maridiisa Muqdisho ma ahayn wax iska caadi ah,waxaase la oran karaa waxaa jiray qorshe kale oo ay isla ogaayeen isaga iyo Villa Wardhiigley kooxda fadhida,kaasoo ah in la qabto si uu marmarsiiyo ugu helo fulinta qorshihii labaad ee kooxdu udirtay.

Sidoo kale waxaa xusid mudan dhawrkii maalmood ee uu joogay Doolow kulamadii uu la qaatay saraakiisha itoobiyaan Saldhiga Ciidamada Itoobiyaanka ay ku leeyihiin Degmadaas,kuwaasoo ahaa kulamo qaatay saacado badan.

Ogow Janan waxuu Adis ka aadi karay dhanka Xuduuda Doolow,madaama uu la socday xaalka halka uu taagan yahay.

Isku soo wada duuboo Jubaland w axaa ku socda dagaal jiho walba ay kaga keenayso Dowlada Muqdisho