Hot Topics

Taliye ku-xigeenka Sirdoonka Qatar oo safar qarsoodi ah ku yimid Muqdisho “XOG-WARAN”

Taliye ku-xigeenka Sirdoonka Dowladda Qatar ayaa Maalmo kahor safar qarsoodi ah ku yimid Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in Abdallah Mohamed Mubaarak Saalax Al-khaliifi iyo saraakiil kale ay booqasho qarsoodi ah ay 8-dii bishan September ku yimaadeen Muqdisho, waxaana ay magaalada ku hoydeen habeen, iyagoo shalay ka dhoofay.

Taliye kuxigeenka oo ay wehliyeen Saraakiil kale ayaa kulamo la qaatay Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo bishii hore si buuxda xilka Taliyaha loogu magacaabay, kaddib muddo sanad ku dhow oo uu Sii haye ka ahaa Hey’adda.

Ammaanka Taliye kuxigeenka Sirdoonka Qatar ayaa waxaa la wareegay intii uu Muqdisho ku sugnaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan.

Qatar ayaa saameyn weyn oo qoto dheer ku leh Hey’addaha Amniga iyo Sirdoonka Soomaaliya, iyadoo la sheego inay taageero gaar ah siiso Hey’adda Sirdoonka ee uu hoggaankeeda hayo Mr Yaasiin oo xiriir dhow la leh Qatar, lana sheego inuu sirdoonkooda kamid yahay.

Dowladda Qatar ayaa sii xoojinaysay sanadihii ugu dambeeyay, iyadoo si dhow u taageerto Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana jiray booqasho dhowr ah oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ku tageen Doxa.