Hot Topics

Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo buux dhaafiyay Wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad

Sida wararku sheegayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa soo buuxiyay deegaano u dhaxeeya Muqdisho iyo Balcad, waxaana deegaanada lagu arkay Shabaabka ka mid ah deegaanka Caliyaale, Hiilweyne, iyo deegaano kale.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhulka Carro-Cadka loo yaqaano ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Balcad aanay horay loogu arki jirin Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Al-Shabaab ay mar kale qarka u saaran yihiin inay jaraan wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad oo aanay horay weeraro ugu dhici jirin, balse weerarkii shalay uu ka dhashay su’aalo kala duwan oo ku aadan mustaqbalka wadadaas.

Al-Shabaab ayaa horay u jaray wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar oo weeraro isugu jira qaraxyo miino iyo kuwo toos ah ku qaadi jireen gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.