Hot Topics

Video+Sawiro:-Guddiga Doorashooyinka Puntland oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland ee (TPEC), ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martine, kaas oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa looga hadlay shaqooyinka oo dhowaan xafiiska la wareegay iyo dadaalada uu waddo ee ku aadan hir-gelinta Doorasho qof iyo cod ah oo dhacda Degaanada Dowladda Puntland.

Guddiga Doorashooyinka ayaa uga warbixiyay Safiirka Midowga Yurub shaqooyinka ay qabteen mudadii koobneyd ee ay xafiiska joogeen iyo sida ay uga go,an tahay inay ka shaqeeyaan in Puntland u gudubto Nidaamka Dilmuquraadiyaynta, sida uu sheegay Af-hayeenka Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martine, ayaa bogaadiyay Guddiga, waxaana uu sheegay in Midowga Yurub uu garab taagan yahay Puntland, si loo hirgaliyay nidaamka Dilmuquraadiyaynta oo ah hamiga ugu weyn ee Dadka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka