Hot Topics

Midowga Yurub oo dib u bilaabaya Mashruuca dhismaha Wadada Garoowe iyo Gaalkacyo

Midowga Yurub ayaa balanqaaday inuu mar kale dib u bilaabi doono Mushruuca dhismaha wadada isku-xirta Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, taas oo dhismaheeda la joojiyay Bishii September ee sannadkii 2018.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martine ayaa kulan ay ku yeesheen Magalada Garoowe ku xaqiijiyeen in Midowga Yurub uu markale dib u bilaabi doono dhismaha wadada isku-xirta Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo oo markii la joojiyay ay Sanad kasoo wareegtay.

Dhismaha Wadada Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa sababaha loo joojiyay waxaa kamid ahaa eedeymo la xiriirtay musuq maasuq, kuwaas oo loo jeediyay Hay’adda Waddooyinka Puntland ee PHA.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martine, oo qeyb ka ah Martida ka qeyb-galaysa Shirweynaha Maal-gashiga Puntland, ayaa tilmaamay in Midowga Yurub uu dhowaan dib u bilaabayo Dhismaha Wadadan, oo muhiim u ah isu socodka gaadiidka u kala Golaha Gobalada Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliyeen safiiradii Midowga yurub iyo Jarmalka xilligaasi u qaabilsanaa Soomaaliya Michele Cervone d’urso iyo Andreas Pesxhke ayaa sanadkii 2015 siwadajir ah waxaa ay u saxiixeen mashruuca lagu dhisayo wadadaasoo la shegay inay ka baxeyso lacag dhan $21 malyan oo Dollar.

Dowladda Jaramalka ayaa qeyb ka ah mashruucaan lagu dhisayo wadada isku-xirta Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, iyada oo bixineysa $18 malyan oo kamid ah $21 malyan ee ku baxeysa dhismaha wadadaas.