Hot Topics

Dowladda Burundi oo shaacisay tirada Ciidankii looga dilay Weerarkii Balcad (Akhriso)

Dowladda Burundi ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadashay weerarkii todobaadkaan Kolonyo ka tirsan Ciidamadooda loogu geystay Tuulada Gololeey ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo shaacisay tirada askarta looga dilay weerarkaas.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Burundi oo aan Magaciisa la shaacin lana hadlay Wakaaladda Waraka ee AFP ayaa isaga oo ku sugan Magalada Bujambura oo ah Caasimadda dalka Burundi waxaa uu sheegay in weerarkaas Ciidamadooda looga dilay 12 askari Lix kalena lagu dhaawacay.

Haa waa run Nasiibdarro 12 kamid ah Ciidamadeena ayaa la dilay lix kalena waa la dhaawacay (sabtidii) xagjiriinta Al-Shabaab ayaa weerarey  kolonyo katirsan Ciidamadeena  oo kusii jeeday magaalada jowhar kana ambabaxay  muqdisho” ayuu yiri sarkaal katirsan dowlada Burundi”.

Si kastaba Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarka Kolonyada ka tirsanaa Ciidamada Burundi oo ka mid ah Ciidamada AMISOM lagula eegtay tuulada gololeey ee duleedka degmada Balcad ayaa waxaa ay sheegeen inay weerarkasi ku dileen 14 Askari.