Hot Topics

Madaxweyne Farmaajo oo maanta tagaya Dhuusamareeb & Qabanqaabada soo dhaweyntiisa

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaasoo uu ka socdo shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb-galo gabagabada shirweynaha dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo muddo todobaad ka socday Dhuusamareeb, waxaana ka socda Magaaladaas qabanqaabadii ugu dambeysay ee soo Dhaweynta Madaxweynaha.

Shirweynaha beelaha Maamulka Galmudug oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 500 oo ergo ka socday beelaha dega Galmudug, ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo Todobaadkan, iyadoona wararku sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmi doono Ergooyinka beelaha qaarkood, kuwaas oo uu kala hadli doono Tabashadooda.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana shalay halkaas gaaray Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Farmaajo iyo Wafti horu-dhac ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku guuleystay inay meesha ka saarto Xukuumaddii heysay Talada Galmudug ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Xaaf, iyadoona ku dhawaaqday dhismaha Galmudug Cusub, waxaana dadka saadaliya Siyaasadda ay ku tilmaameen in Xukuumadda Federaalka ay dooneyso inay soo dhisato Galmudug ay ku gasho olalaha Doorashada DFS ee 2020-ka.