Hot Topics

Senator Qeyb-diid “Xukuumadda ayaa hor-taagan dhameystirka Dastuurka KMG ah DF Soomaaliya”

Shirkaan oo u dhexeeyey Hey’adaha u xilsaaran dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, sida guddiga madax bannaan ee dib u eegista Dastuurka Guddiga la socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ee Barlamaanka labadiisa Aqal iyo wasaaradda Arrimaha Dastuurka, waxaa lagu  falanqeeyey qorsheyaashii la dajiyey ee loogu talogalay in la fuliyo sannadkaan 2019-ka.

Waxaa kaloo diiradda la saaray sida ay u socoto tubta geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya, qorsheyaasha kale ee haray iyo caqabadihii lala kulmay sannadkaan 2019-ka.
Doodda kaddib ayaa la isla qaatay ilaa 6 qoddob oo ujeedadu tahay in lagu dardargeliyo howlaha ka haray dib u eegiska Dastuurka Kmg-ka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka Barlamaanka Soomaaliya  Labadiisa Aqalka Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay xal u helidda caqabadaha hor gudban qorshaha dhammeystirka Dastuurka ee loo asteemeyey December 2019-ka.

Sidoo kale, Senator Qeybdiid ayaa sheegay in hadda Guddiga ay soo dhameystireen Waxyaabihii looga baahnaa laakiin Xukuumadda Soomaaliya ay hor taagan tahay.

Dastuurka Soomaaliya oo ah arrin masiiri ah ayaa waxaa ku jira qodobbo u baahan in laga galo wadxaagood siyaasadeed, isafgarad iyo isu tanaasul, iyadoo hey’adaha Dastuurka u xilsaaran ay xaqiijinayaan geeddi-socodka dhammeystirka Dastuur loo dhan yahay.