Hot Topics

Dr. C/weli Gaas oo baaq u diray Madaxda Dowlad Gobaleedyada (VIDEO)

Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa  uu si kulul uga hadlay khilaaf ka dhex aloosan qaar ka mid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

Dr. C/weli Gaas oo wareysi Idaacadda Kulmiye ee Muqdisho, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya laga doonaayo inay tixgaliso Hanaanka Dowlad Gobaleedyada ay ku shaqeeyaan.

Waxaa uu sheegay in khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada badanaa uu ka yimaado dano gaar ah oo dhanka Dowladda Federaalka, isagoona sheegay in Arrimaha Dastuurka ay baal maraan Madaxda Dowladda Federaalka.

Ugu dambeyntii, Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga baaqay Dowlad Gobaleedyada inay dhistaan Madal ay ku mideysan yihiin, islamarkaana ay ka wada-hadlaan Xaalada ka jirta dalka, sida waxyaabaha ay isku hayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.