VIDEO: Madaxweynaha Puntland “Waxaan diyaar u nahay Dood shacabku daawanayaan oo aan la galno DFS”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni oo ka hadlayay dadka aan iyaga oo ogeyn wax la isku hayo caytama ama dhaliilaya Puntland, ayaa sheegay in Dood furan oo laga daawanayo Telefishanada iyo Baraha Bulshada ay la galaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo arko cida khaldan.

“Waxaan aad u dareemayaa dad fara badan oo dadka Madaxda ah meesha ay ku wada-hadlayaan aan Goobjoog aheyn in wixii la rabo loo sheego oo ay aqbalaan, Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay wada-hadal furan oo shaashada laga daawanayo xitaa, doodeenana aan kusoo bandhigno si cida khaldan loo ogaado”ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Deni