Hot Topics

Isimada Gobalka Bari “Madaxweyne Dad baa war xun nooga kaa keenay”+VIDEO

Isimada, Nabaddoonada iyo Waxgaradka Gobalka Bari ayaa raalli-gelin siiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, waxaana ay sheegeen in Dad qaswadayaal ah ay ugu keeneen Warar been abuur ah.

Qaar kamid ah Isimada iyo  Nabaddoonada Gobalka Bari oo ka hadlayay kulan qado sharaf ah oo Madaxweyne Deni shalay ugu sameeyay Ceelka Biyo-kulule ee duleedka Magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in xubno kamid ah Dowladda ay u sheegeen in Madaxweynuhu iibsaday Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha Boosaaso, ayna rumeysteen.

Isimada iyo Nabaddoonada ayaa sheegay in wararkaas ay ahaayeen kuwo been abuur ah, ayna ku faraxsan yihiin inuu Madaxweynuhu la wadaago xaqiiqooyin iyo doorka shariif ah ee Dowladdu ka cayaareyso dib u xoojinta amniga iyo Kaabayaasha dhaqaalaha Magaalada Boosaaso ee Halbowlaha Dowladda Puntland.

Ugu dambeyntii, Isimada iyo Nabaddoonada Gobalka Bari ayaa Alle ugu baryay Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Xukuumadiisa inuu ku guuleysiiyo dadaalada huwan Nabadda iyo Barwaaqada ee ay wadaan, waxaana ay kula dardaarmeen in aysan ka daalin u adeegista Bulshada ay xilka u qaadeen.