Hot Topics

Duqeymo ka dhacay Gobalada Sh/hoose iyo Jubbooyinka

Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeymo ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellada Hoose.

Duqeymahan ayaa ka dhacay Saldhigyo  waa weyn oo ay lee yihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ku yaalla Degmooyinka Jilib Iyo Jamaame oo ka wada tirsan gobolada Jubbooyinka iyo deegaanka xaramka oo ka tirsan  Gobolka Sh/ Hoose.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa sheegay in duqeymahan ka dhacay degmooyinka Jamaame iyo Jilib lagu dilay dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale, Deeganka xaramka ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa isna la sheegay in xalay lagu dilay sarkaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab iyo Maleeshiyaad la socday, kuwaas oo safar dhulka ah ku marayey deegaanka Xaramka.

Illaa iyo hada lama oga halka laga leeyahay diyaaradaha duqeymaha ka fuliyay Deegaano ka tirsan Jubbooyinka iyo Shabeellada Hoose, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay degaanadaas beegsanayay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka.