Hot Topics

Madaxweyne Deni oo $200,000 oo dollar ugu deeqay Garoonka Kubadda cagta ee Boosaaso+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay in Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo ay ugu deeqday Garoonka Kubadda Cagta Ee Boosaaso Stadium $200,000, si dayactir iyo Dib u dhis loogu sameeyo Garoonka Kubadda Cagta.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in $300,000 kun oo dollar ay Hay’adaha Caalamiga ah ee UNHCR ay ugu deeqday Dhismaha iyo Dayactirka Garoonka Kubadda Cagta ee Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa hadalkan uga dhawaaqay galabta Garoonka Kubadda cagta Magaaladda Boosaaso oo ay kuwada ciyaareen kooxaha Bari FC iyo Boosaaso City, Madaxweynaha ayaana sheegay in Dowladdu Puntland muhiimad wayn siinayso horumarinta Ciyaaraha iyo isdhexgalka Dhallinyarada.