Hot Topics

Madaxweyne Deni “Ciidanka lagu soo daabulayo Dhuusamareeb waxay saameyn ku yeelan karaan Amniga Puntland”+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo daad-gureynaysay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Magaalada Dhuusamareeb ay kamid tahay Magaalooyinka ugu ammaanka badan Dalka, ayna Maamulo ka jireen 12 sanno ee ugu dambeeyay, isagoona walaac ka muujiyay sababaha keenay in xilligan Dhuusamareeb lagu soo daabulo Ciidamo, Iyadoo ay qeybo kamid ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay heystaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay jiri karto saameyn amni oo Ciidankaas ay ku yeelan karaan Degaanada Galmudug iyo Puntland oo daris la ah.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka inay ka hor-tagaan saameyno ka dhasha Ciidankan lagu soo daabulayo Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.