Madasha Xisbiyada Siyaasadda oo Muqdisho looga dhawaaqayo

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in looga dhawaaqo Madasha ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda ee dalka oo ay kamid yihiin Xisbiyada UPD iyo Himilo Qaran oo ay Hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee dalka Soomaaliya.

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in Isbaheysigaas ay ku mideysan yihiin Xisbiyo ay hoggaaminayaan Maadxweynayashii hore ee Somalia ee sheikh Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud iyo laba kamid ah madaxweynayaashii hore ee dawlad goboleedyada.

Madasha Xisbiyada oo la filayo in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo ayaa waxaa hoggaamin doono Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoona loogu tanaasulay inuu hoggaamiyo, sida ay sheegayaan Xubno muhiim ah.

Kulamo wada-tashi ah ayaa maalmahan ka socday Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay yeelanayeen Xisbiyada Siyaasadda , waxaana madashan iska diiday Hoggaaminayaha Xisbiga Wadjir C/rixmaan C/shakuur Warsame, maadama laga biyo diiday Talo uu soo jeediyay oo aheyd in Madasha Xisbiyada Siyaasadda loo sameeyo xiriiriyo lagana daayo Hoggaamiye.