Hot Topics

Khasaare ka dhashay Shil gaari oo ka dhacay Duleedka Boosaaso+VIDEO

Shil gaari ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland, kaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Gaariga Shilka galay ayaa ku dhacay God weyn oo uu dumiyey Roobkii dhawaan ka da’ay Gobolka Bari,waxaana Gaariga uu kusii jeeday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo tegay halka uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in Shilkaasi uu ku geeriyooday hal ruux halka Afar kale ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in gebi ahaanba ay joojiyeen isku socodka Gaadiidka wadada xiriirisa Boosaaso iyo Gaalkacyo, ilaa iyo inta dib u dayactir loogu sameynayo wadadaas.