Hot Topics

Mareykanka oo wada-hadal siinayay Dowladaha Masar, Sudan iyo Ethopia

Dowladda Mareykanka ayaa barri oo Arbaca ah lagu wadaa inay kulan qorsheysan u qabato Dowladaha Masar,Sudan iyo Ethiopia si loo baaro loona dhameeyo khilaafka ka taagan biyaha Webiga Niil.

Xukuumadda Al-Qaahira ayaa horey u dalbatay in arrinta xiisadda biyaha Niil loo helo gacan Afraad oo dhex dhexaad ka noqota.

Masar ayaa rumeysan in biyo-xireenka ay dhisayso Ethiopia uu horseedi doono inay yaraadaan biyaha Niil ee dalkeeda soo gaara.

Dowladaha Masar iyo Ethopia ayaa ku fashilmay inay heshiis gaaraan kulankoodii ugu dambeeyay, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay ay hawada isu marinayeen Hadalo kulul.