Webiga Shabeelle oo fatahaado hor leh sameeyay

Saacadihii la soo dhaafay Webiga Shabeelle ayaa fatahaad hor leh ka sameeyey agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Fatahaadda ayaa lagu soo warramayaa in ay saameysay dhul beereed aad u ballaaran uu ku yaalla halkaasi, dadka deegaanka ayaa iyaguna billaabay in ay barakacaan.

Deegaanada uu ku fatahay wabiga waxaa ka mid ah Xawadleey, Jameeco Misro, Farbarako, Muku Dhere, Raqayle iyo Daymosame.