260 Ruux oo ku dhintay banaan-baxyada Ciraaq.

Maalintii12-aad oo xiriir ah waxaa Mudaaharaadyo xooggan ay ka socdaan Dalka Ciraaq, iyadoona ay ku dhinteen Dad gaaraya 260 Qof.

Goobaha ugu badan ee ay dhimashadu ka dhacday waxaa ka mid ah Caasimadda Ciraaq ee Baqdad, Wararka ayaa intaa ku daraya in Shabakadda Internetka laga jaray guud ahaan Caasimadda Baqdad iyo deegaanada hoos yimaada.

Dibad-baxayaasha Reer Ciraaq ayaa dalbanaya inuu xilka iska casilo Ra’iisulwasaaraha Wadankaas, Hoggaamiyaasha Banaan-baxayaasha ayaana ku eedeeyay Xukuumadda inay ku fashilntay fulinta balanqaadyadeedii, sidoo kalena ay ku kacday Musuq-maasuq baahsan.