Hot Topics

Khasaare ka dhashay dagaal dhexmaray Ciidanka Puntland iyo Al-Shabaab

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada amniga Dowladda Puntland iyo Ururka Al-Shabaab ayaa ka dhacay Degaanka Af-Urur ee Gobalka Bari.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Maleeshiyaad katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar loo adeegsaday qoriga hoobiyaha kusoo qaadeen saldhig Ciidanka Puntland aay ku lee yihiin Degaanka  Af-urur ee Gobalka Bari.

Dadka Degaanka ayaa sheegay inay maqlayeen Rasaas xoog leh oo  dhinacyadu Isku adeegsadeen.

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay Khasaare xooggan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, waxaana uu xusay in dhankooda ay kaga dhinteen Dagaalka 2 Askari, halka Labo kalena ay kaga dhaawacmeen.

Degaanka Af -Urur oo katirsan Gobalka Bari ayaa waxaa saldhig weyn ku leh Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland, Al-Shabaab ayaana marar dhowr ah kusoo qaaday weeraro.