Hot Topics

Ciidanka amniga Puntland oo howlgallo culus ka wada Gaalkacyo

Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaa saaka howlgallo culus ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyagoona baaraya qaar kamid ah Xaafadaha Magaalada.

Howlgalka Ciidanka amniga Puntland ayaa yimid kaddib markii Magaalada Gaalkacyo xalay lagu dilay Taliyihii Nabad-sugida iyo Sirdoonka Gobalka Mudug ee Puntland Col. Xaashi Aaden Cilmi.

Ciidanka Puntland ayaa howlgalkooda oo ay ku goobayaan kooxihii ka dambeeyay dilka Taliyaha, waxaana ay ku bartilmaameedsanaya Goobo la tuhunsan yahay inay saldhig u yihiin Kooxaha ammaan-darada ka wada Magaalada Gaalkacyo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Col. Xaashi Aaden Cilmi, iyadoona War kasoo baxay Kooxda lagu sheegay in kooxdii dilka fulisay ay ka ka baxsadeen goobta.