Wararkii ugu dambeeyay ee dilal xalay ka dhacay Degmada AFGOOYE

Askari katirsan Ciidanka Dowladda ayaa ku dilay Degmada Afgooye ee Gobalka Shabellaha Hoose, Isku-duwihii Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Koonfur Galbeed oo lagu Magacaabi jiray Nuur Faarax Nuur oo caan ku ah magaca Nuur Xawaad.

Dilka Askarigu u geystay Isku-duwihii Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed ee Degmada Afgooye Nuur Xawaad, ayaa la sheegay inay timid kaddib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf la xiriira Canshuurta laga qaado Koontoroolka Baar Ismaaciil,sida uu sheegay mas’uul dhinaca Amniga ah.

Wararka ayaa sheegaya in Askarigii dilka geystay gacanta lagu dhigey xilli uu isku dayayay in uu Goobta ka baxsado, waxaana haatan degan xaalada Degmada Afgooye.

Dilka loo geystay Isku-duwihii Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed ee Degmada Afgooye ayaa ahaa kii labaad oo xalay ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobalka Sh/Hoose, waxaana sidoo kale lagu dilay Nin lagu Magacaabi jiray Cali Maxamed Dhuun kaas oo la sheegay in uu kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Koonfur Galbeed.