Hot Topics

Al-Shabaab oo beenisay War kasoo baxay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqayn ka dhacday degaanka Kuunyo Barrow ee Shabeellaha hoose lagu dilay xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab.

War kasoo baxay dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkan la qaaday iyadoo iskaashi lala samaynayo milatariga Maraykanka,hayeeshee duqeyntaas waxaa dhankooda ka hadlay  Ururka Al-Shabaab.

Qoraal lagu daabacay Baraha ay wararka ku qoraan Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradaha Mareykanka ay duqeynta la beegsadeen nin Ganacsado ahaa oo caan ka ahaa deegaanka Kuunyo Barrow.

Waxaa ay Ninkaasi Magaciisa ku sheegeen Ismaaciil, iyaga oo sheegay in xilliga la duqeynayay uu ku sugnaa duleedka Magaalada,isla markaana meydkiisa ay soo qaadeen dadka Shacabka ah ee ku nool deegaanka Kuunyo Barrow.

Dowladda Soomaaliya ayaanan shaacin in duqeyntaas ay wax ku noqdeen dad rayid ah,hayeeshee ay sheegeen in lagu dilay Xubin ka tirsan Al-Shabaab,balse Al-Shabaab warkaasi beeniyeen.