Hot Topics

Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo gaaray go,aan ka dhan ah Ra’iisulwasaare Kheyre+XOG

Kulamo aan caadi aheyn ayaa 72 saac ee lasoo dhaafay ka socda xarunta Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo intooda badan u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin.

Kulamadan oo ah kuwa isdabajoog ah ayaa intooda badan looga arrinsanayaa Kulanka Labo geesoodka ah ee la filayo in saacadaha soo socda uu dhexmaro Madaxweyne Farmaajo oo uu wehlinayo Taliyaha NISa iyo Madaxweynayaashii ka horeeyay haatan ah Hoggaamiyaasha Madasha Xisbiyadda Qaranka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo-wareedyo ku dhow Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa sheegay in kulamada intooda badan diirada lagu saaray sidii Madaxweyne uu u qancin lahaa Madaxweynayaashii ka horeeyay, gaar ahaan Xayiraadihii la saaray Safaradii ay ku tageen Magaalooyinka Kismaayo iyo Beledweyne.

Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inay go’aansadeen in Eeda xayiraadihii Labaad Madaxweyne iyo Khilaafka Madasha Xisbiyadda Qaranka dusha loo saaro Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kaas Dalka dib ugu soo laabtay xalay kaddib muddo 10 berri oo uu safar Dalka dibadiisa ku maqnaa.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inay ka dalbanayaan Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh in la siiyo waqti si ay olale ugu galaan in meesha laga saaro Ra’iisulwasaare Kheyre, taas oo ah qorshe uu soo jeediyay Fahad Yaasiin.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu la kulmo Madaxweyaashii ka horeeyay haatan ah Hoggaamiyayaasha Madasha Xisbiyadda Qaranka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, si loo xaliyo khilaafka Dowladda iyo Madasha oo gaaray meeshii ugu adkeyd.

Wixii kasoo kordha kulamada hadda socda iyo kuwa qorsheysanba kala soco Idil News.