Madaxweyne Deni: Waxaa Puntland u furmay Bog cusub oo Siyaasadeed+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Khubad u jeediyay  Goleyaasha kala duwan ee  Puntland, Waxaana uu sheegay in bog cusub oo dhanka Siyaasadda ah uu maamulka u bilaaban doono.

Madaxweynaha ayaa sheegay in lasoo afjaray Khilaafkii harreeyay Golayaasha Dowladda ku dhawaad halkii sano ee uu ka shaqeynaayay degaanada maamulka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dhammaan Khilaafyadii jiray xaliyay sidda Cabshadda beelaha iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Puntland oo si weyn uga soo horjeeday maamulkiisa.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in  xoojinta wada shaqeynta Goleyaasha Dowladda, uuna hordhac u yahay kulamo wadashaqeyn oo joogto noqon doona, si loo gaaro horumarka Puntland iyo in dadka la gaarsiiyo adeeygada dowliga ah ee asaasiga ah.