Wasiir Cawad oo la kulmay dhiggiisa Sacuudiga+Sawirro

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ee Xukuumadda Soomaaliya  Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay dhigiisa Sacuudiga Amir Faisal Bin Farhan Bin Abdallah, magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Labada dhinaca ayaa waxaa ay ka wada hadleen dadaallada lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga wadajirka ee dhinacyada oo dhan, iyo siyaabaha lagu gaari karo danaha u dhexeeya Muqdisho iyo Riyadh.

Waxay sidoo kale ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danta labada dhinac ah iyo ahmiyada ay leedahay sii wadida wadatashiga iyo isku duwista arrimaha guud.

Dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ay kamid tahay dalalka taagera dowladda Soomaaliya, iyada oo dhowr jeer lacago kala duwna ugu deeqday Soomaaliya.