Hot Topics

Intee le’eg yahay khasaarihii ka dhashay Qaraxii Gaalkacyo?

17-askarta Dowlada Fadaraalka ah iyo 7-Qof oo shacab ah,ayaa ku geeriyooday.Qaraxii caawa ee Gaalkacyo.

Sidoo kale 6-Alshabaab ah oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday,ayaa dhamaantood geeriyooday.

Dhaawacu waxuu ilaa iyo hada gaaraya 30,waxaana lakala geeyay laba isbitaal oo Magaalada ah.

Gaadiid laba ah oo ay lahaayeen Ciidamadu iyaguna waa gubteen.

Ciidamada PSF ee Puntland,ayaa gurmad xoog leh sameeyay waxayna badbaadiyeen inta badan Askartii iyo shacabkii la weeraray.

Qooje Dagaari iyo Cabdixamiid Dirir oo ah saraakiisha la weeraray way ka badbaadeen Qaraxaas,waxaana hada lageeyay Saldhiga Ciidamada PSF ee Gaalkacyo.

Jibril Qoobey.