Hot Topics

Gudoomiye Mursal la kulmay Madaxweynayaashii hore

Kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynaashii Hore ee dalka iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan,ayaa Caawa Looga Hadlay Arimaha siyaasadda dalka.

Waxaa Ka Horeeyay Kulankaan Gaarka ah Kulan Casha ah oo Gudoomiye Maxamed Mursal uu Villa Hargeysa ugu sameeyay Xubnaha Madasha Xisbiyada Muqdisho iyo Xildhibaano ka Tirsan Golaha shacabka fadaraalka Soomaaliya.

Si gaar ah Looma oga ujeedka Kulankaans waxuuse ku soo aadayaa Xilli Golaha shacabka Fadaraalka Soomaaliya ay dhawaan ansixyeen Xeerka Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo Dood badan ay ka qabeen Xisbiyo siyaasadeed wax ka bedelkii lagu sameeyay.