Hot Topics

Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee CQS

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Garyaqaan Madoobe Cabdi Gurey, Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland.

Garyaqaan Madoobe oo kasoo jeeda Gobolka Sanaag, ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay Madaxtooyadda Puntland ay shaaciso magacaabistiisa, isagoona intaas kaddib soo dhisi doona Garsoorayaasha kale ee Maxkamada.


Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa kala diray Garsoorka Maxkamadaha Ciidanka qalabka sida ee Puntland, kaddib markii ay hareeyeen eedaymo musuq oo is xigxigay bilihii udanbeeyay.


Waxyaabaha soo dad-dajiyay kala dirista Garsoorka Maxkamadaha ciidanka qalabka sida ee Puntland ayaa waxaa kamid ah sii deynta xubno ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoona ay ugu dambeysay

baabi’intii xukun dil ah oo Maxkamada darajada koowaad ee Ciidanku ay horey ugu riday Madaxii Amniyaadka Alshabaab oo gacanta lagu dhigay,waxayna ugu badashay 2-sano oo xarig ah.