Hot Topics

Madaxweyne Deni oo xarigga ka jaray Haamaha Keydka Shidaalka ee Ocean (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarigga ka jaray Isbitaalka AYAAN iyo Xarunta Haamaha Keydka Shidaalka ee Ocean Petroleum oo labadaba laga hirgeliyay Boosaaso.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey dadkii kasoo shaqeeyay hirgelinta xarumahan oo muhim u ah Bulshada Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeeray Xabsiga weyn ee magaaladda Boosaaso halkaasi oo uu warbixin kaga dhegaystay masuuliyiinta Xabsiga, oo uga warbixiyey xaaladda Xabsiga iyo Maxaabiista ku jirta.