Hot Topics

Madaxweyne Axmed Madoobe, Xidig & Seeraar oo heshiis ku saxiixday Nairobi

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa sheegaya in heshiis buuxa ay magaaladaas ku gaareen Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo musharixiintii Is-bedel doonka ahaa ee kula irdhoobay Doorashadii dhacday bishii Augost ee 2019.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe uu xubnaha kasoo hor-jeeday dib u doorashadiisa uu magaalada Nairobi kula saxiixday Heshiis ka kooban dhowr Qodob, kuwaas oo qalinka lagu duugay saacadihii tagay.

Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo sheekh Daahir, ayaa la sheegay  inay daqiiqadaha soo aadan ay la hadlaan warbaahinta, iyagoona ku dhawaaqi doono inay ka tanaasuleen mawqifkii ay kaga soo horjeedeen doorashada kismaayo ka dhacday dabayaaqadii bisha augost ee sanadkii 2019.

Wixii Kasoo Kordha kala Soco Idil News.