Hot Topics

Diblomaasi Maraykan ah oo udigay Madaxda Dowlada Fadaraalka

Fariimaha kulul ee ku wajahan Madaxda Dowlada Fadaraalka kana imaanaya Diblomaasiyiinta shisheeye,gaar ahaan Maraykanka,ayaa iska soo daba dhacaya.

Kani waa Safiirkii hore Maraykanka oo Dowlada Fadaraalka si adag udhaleeceeyay.

Dowlada Fadaraalka Intii ay dalka ku maamuli lahayd si wada-shaqeyn ah,ayay taa bedelkeeda iska indho-tirtay la shaqaynta Dowladaha xubnaha ah,ayuu yiri safiir Stephen.

“Hanaankan aragtida gaaban ee fashilka ah, wuxuu xasillooni darro ku keenay inta badan dalka, wuxuuna kasii daray xiisadaha caalamiga ah, isaga oo wiiqay dadaalkii lagula dagaalamayey Al-Shabaab,” ayuu yiri Stephen Schwartz.

Stephen Schwartz ,ayaa ka digay in haddii Dowladda aysan la shaqeyn Dowladaha xubnaha ka ah ay lumin karto taageerada beesha caalamka.

“Dowladda federaalka Somaliya waxay u baahan tahay in ay la shaqeyso Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, ayada oo ugu faa’iideydeyneysa shacabka Somaliyed, haddii kale waxay halis ugu jirtaa in lagala laabto taageerada beesha caalamka iyo qurbo-joogta,” ayuu yiri Stephen.

Marka laga soo tago baaqyada beesha caalamka ee kul kulul hadana Dastuurka KMG-ah,ayaa qaba in ay dastuuri tahay kulanka Madaxda Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

“Qodobka 51(30), ayaa dhigaya in madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Madaxweynaha Qaranka ay ugu yaraan hal mar kulmaan sanadkii”

Jibril Qoobey.