Maxaa laga filan karaa kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi??

Kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi ee Jabuti oo uu gadaal ka riixayo RW Itoobiya Abiy mahan mid dan Somaliyed ku jirto.

Farmaajo sadex arimood,ayuu udanaynayaa qabsoomida kulankaas…

B.In uu Xildhibaanada kasoo jeeda Deegaamada Somaliland ka helo taageero.

T.In uu isku muujiyo Nin dadaal ka samayaynaya wadahadlada Somaliland.

J.In uu ku qariyo fashilka diyaar garowga doorashada ka haysta.

Muuse Biixi dhankiisa kulankaas ka qaybgalkiisa muxuu ku badalanayaa?

B.In maqaam Madaxweyne Jamhuuriyadeed lagu soo dhaweeyo.

T.In uu isku muujiyo Nin horumar ka sameeyay ictiraaf raadintii.

J.Adkaynta xiriirka Somaliland iyo Itoobiya.

Abiye qabsoomida kulankaas muxuu ka faa’idayaa??

1.In uu muujiyo weli in uu yahay hogaamiyaha nabada Geeska.

2.In gudaha dalkiisa fashilka ka haysta iyo ka hor imaanshaha mudo kororsigiisa ku qariyo.

3.In uu Farmaajo iskugu muujiyo Nin uhiiliyay.

Qaranimada Somaliyed kulankaas maxaa dan ah oo ugu jirta?

B.Wax dan ah oo mustaqbal leh oo la taaban karo uguma jirto kulankaas,maadaama uu yahay dhoolatus kab la kac ah oo daacadnimo ka fog.

Maxaa khasaare ah oo dalka kasoo gaaraya?

B.Somaliland oo kusii fogaanaysa iskuna sii arkaysa quwad iyo in ictiraafkii usoo dhawaaday.

T.Itoobiya oo si xirfadaysan kusii helaysa qorshe ay kusii kala hayso Somalida.

J.Fursadihii dib uheshiisiineed ee horay ujiray oo soo xirmaya ama meesha kasii baxaya

X.Dowladaha shirka iskugu imaanaya oo dhamaantood lagu tilmaami karo cadow Qaran Somaliyed.

Kulanka Jabuti Farmaajo kama helayo wax ka badan is mashquulin iyo isqancin aan meel fog jirin.

Qaranimada Somaliya waxuu ku yahay dibindaabyo lagu samaynayo nidaamkii awalba luudayay.

Jibril Qoobey.