Hot Topics

Olalaha Ururada Puntland oo dib loo dhigay

Go’aankan waxaa dood ka keenay dad fara badan.

“Ma markii Xisbiga Dowlada KAAH adeegtay oo muujiyay cududiisa,ayaa kuwa kale laga xayirayaa doorkoodii”Ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha Xisbiga Mideeye.

Sidoo kale waxaan wax ka waydiinay gi’aankan mid ka mid ah masuuliyiinta Xusbiga Mustaqbal

“Go’aankan cadaalad mahan la dagaalan Caafimaad darana ka fog ee waa ujeedo siyaasadeed”Ayuu yiri.

Markii si dhab ah loo qiimeyo arinkan iyo khatarta Xanuunka Corona waa la oran karaa waxaa ku hoos jira khidad siyaadadeed,sababtoo ah xiligii Kaah samaysanayay olalaha iyo muujinta cududa wuu jiray Xanuunka.

Waa muhiim in ay Xisbiyada kale ka hadlaan Warqadan oo soo gudbiyaan dareenkooda hadii kale xaalku waxuu noqonayaa “Gashaanti aamuskaa lagu meheriyaa”

Halkan ka akhriso