Hot Topics

Video:-Safiirka Qatar ugu danbayn Kismaayo gaaray

Safiirka Qatar ugu danbayn waxuu soo gaaray Kismaayo mid ka mid ah caasimadaha Siyaasada Somalida ugu saamaynta xooga badan.

Safiirku waxuu xariga ka jaray Dugsi iyo Deegaan kuleejo si casri ahna loo dhisay oo Dowladiisu maalgalisay.

M-xigeenka 1-aad Maxamuud Sayid Aadan,ayaa ku weheliyay Safiirka xarig ka jarida xarumahaas.

Marka laga soo tago inta Muuqata Xogaha dahsoon waxay leeyihiin Safiirku waxuu horay xiriir siyaasadeed ula soo sameeyay Jubaland hadana waxuu kulan dheer oo albaabadu uxiran yihiin kula jiraa Madaxweyne Axmed Madoobe.

Qatar waa maalgaliyaha Fahad Yaasiin madaxa Sirdoonka Fadaraalka ee ah khatarta ugu weyn ee Jubaland ay wajahday.

Imaanshaha Safiirka sida xogta aan ku helay waxaa ku lug leh Fahad Yaasiin.

Halkan ka daawo muuqaalka

Jubaland 4-sano oo ay dagaal adag kula jirtay Fahad iyo Dowlada uu iska maamusho ugu danbayn way ka adkaatay.

Jibril Qoobey.