Hot Topics

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay K/Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa la sheegay in ay gudaha dalkaasi ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed kana mid ahaa dadka ku Ganacsada alkaasi, iyaga oo Goobta ka baxsaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Ganeey Gadafo, ayaa waxaa uu dilkiisa ka dhacay Tuulada Khayelitsha oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

Mid kamid ah Soomalaida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in Kooxda Burcada aheyd ay muwaadinka Soomaaliyeed ku dileen Dukaankiisa oo ku yaalla Laanta Side B, iyagoo sidoo kale dhac u gaystay Dukaanka.

Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka muwaadinka Soomaaliyeed ee ku sugnaa Goobtiisa Ganacsi.

Waa muwaadinkii labaad ee Soomaali ah oo todobaad Gudihiisa lagu dilo dalka Koonfur Afrika,waxaana Afar Cisho ka hor Koox Burcad ah ay ku dishay Tuulada Philipi,muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Axmed Xuseen Cadoow.