Hot Topics

Wasiirka Cadaaladda iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland oo hor-tagaya Baarlamaanka

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha Diinta, iyo Dastuurka Dowladda Puntland Mudane Cawil Shiikh Xaamud, Xeer-ilaaliyaha Guud Puntland Maxamuud Xassan Aw-cismaan Iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Cabdullahi Cismaan Liibaan ayaa maanta hortegaya Golaha Wakiillada DowladdaPuntland, kaddib markii dhowaan Xildhibaanadu u yeereen.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa Xubnahan su’aalo ka weydiin-doona maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland, xaaladooda iyo sida ay u heli karaan Xoriyadooda, maadama ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo in muddo xirnaa.

U yeeridooda ayaa timi ka dib dood sharci ah oo Xildhibaanadda Golaha Wakiillada DPL maalinimadii arbacada ay ka yeesheen U qareemidda xaaladda sharci ee maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland.