Hot Topics

Xildhibaano katirsan Barlamaanka Puntland oo su’aalo weydiiyay Wasiika Shaqada (VIDEO)

Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada Dowladda ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda & Ciyaaraha Dowladda Puntland, halkaas oo ay warbixin kaga dhageysteen Wasiirka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda & Ciyaaraha Dowladda Puntland c Faarax Muuse oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Axmed Cabdalla Tigaana ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira, iyagga oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen, Guddiguna u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda doorkoodna ay ka qaadanayaan.

Xildhibaanada C/llaahi Yuusuf Muuse (Qeylo).

Kormeerka shaqo ee Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ku tagayeen Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda Puntland.