Hot Topics

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo gaaray Dhuusamareeb (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug, iyadoona Garoonka diyaaradaha ay kusoo dhaweeyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug & Xubno kamid ah labada Gole ee Galmudug.

Ujeedka wafdiga Guddoomiyaha Aqalka Sare ay Maanta u tageen Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu Caawa furi doono kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu wadaa in inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb uu kulan la qaato Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulkaas.