VIDEO: Hogaanka Nabad-galyada DDS oo beeniyay damacii Axmaarada ee Kaaraamardha.

Hogaanka Nabadgalyada Deegaanka Soomaalida Dr. Hussein Hashi Qaasim ayaa lagu soo waramayaa inuu Banaday ama diiday Qorshe ay wateen Koox Axmaaro ah oo ku Sugan Magaalada Jigjiga oo ahaa In Xuska Maalinta Dalxiisa Qaranka Ethiopia lagu Qabto Buurta Kaaraamardha.

Talaabadan uu Qaaday Dr Qaasim ayaa waxaa si balaadhan ugu diirsaday una soo dhaweeyay Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee DDS, iyadoo Hogaanku Ammaan Iyo Bogaadin badan ku mutaystay diidmada Arintaasi.

Xuska Dalxiiska Itoobiya ee Karamardha lagu qabbanayay ayaa la baddalay, Waxayna xukuumadu go’aamisay in Dulqabaw laga dhigo goobta lagu maamusayo.