Hot Topics

Madaxweynaha Puntland oo kulamo aan caadi aheyn ka wada Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Xildhibaano iyo Senatoro ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Senatorada iyo Xildhibaannada uu la kulmay Madaxweyne Deni ayaa waxaa kamid ah Guddoomiye ku-xigeenka 11-aad ee Aqalka Sare ee BJFS Mowliid Guhaad, Cabdirashiid Xidiga, iyo Xildhibaano kale, Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa qaabilay marti uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cabdi Ceynta, kuwaas oo Madaxweynaha kala hadlay xaaladaha siyaasadda ee dalka, gaar ahaan xiliga kala guurka, una waday tallooyin uu ka guddoomay.

Qaar kamid ah xildhibaannadii laga soo doortay Puntland iyo Madaxweynaha oo dhawaan la kulmay ayaa is weydaarsaday fikrado ku adaadan xaalada siyaasada, sida madaxweynaha uu caddeeyay.

Shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee federaalka ayaa la filayaa in dhawaan uu ka furmo magaalada Mogadishu, kaas oo la filayo in maamul-gobolleedyada ay ka wada qeyb-gallaan.