Hot Topics

Muqdisho: Wasiir katirsan XFS oo ka bad-baaday Qarax

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax, ayaa ka bad-baaday Qarax lagula eegtay Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ka dhacay Wadada KM4 ee Muqdisho, oo kamid ah waddooyinka ugu mashquulka badan Caasimadda, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Qaraxa.

Wasiir Duraan oo kamid ahaa Golaha Wasiirada ee dhowaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kasoo jeeda deegaanada Puntland, waxaana lagu badalay Saadiq Warfaa oo ay isku beel yihiin.