Hot Topics

Sheekh Shariif oo u amba-baxay dalka Jabuuti

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti. Waxaa la filayaa inuu halkaas kula kulmo Mas’uuliyiinta dowladda Jabuuti.

Dalka Jabuuti ayaa ahaa halkii Sheekh Shariif lagu doortay sanadkii 2009, xilligaasoo dowladda Jabuuti martigelisay wada hadaladii u dhaxeeyay Isbaheysigii ARS iyo dowladdii TFG-da oo ugu dambeyn keentay in isku darka labo Baarlamaan oo Mucaaradka iyo dowladda in dowlad Midnimo Qarana la soo dhisay.

Dowladda Jabuuti oo ay Ciidamo Nabad Ilaalin ka joogaan Soomaaliya, ayaa la saadaalinaya inay ka mid noqon doonaan dalalka sida weyn u daneyn doono doorashada Soomaaliya.