Puntland oo yareynaysa Isticmaalka dhuxusha deegaanadeeda (Sawirro)

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland ayaa tababar u wada qaar kamid ah Farsamayaqaanada kala duwan ee kunool xeryaha Barakacayaasha Degmooyinka Gaalkacyo, Burtinle iyo Qardho, kuwaas oo loo tababarayo loona maalgalinayo Geerashyo ay ku sameeyaan Burjikooyinka tashiila islamarkaasna dhaqaaleeya xaabada iyo Dhuxusha ee deegaanada ay kunoolyihiin Barakacaayashu.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Deegaanka,Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Marwo, Faa’isa Cali Ismaaciil ayaa tababar u furtay 12-qof oo ka kalayimid xeryaha barakacayaasha ee degmooyinka Qardho, Burtinle iyo Gaalkacyo, kuwaas oo ka shaqayn doona geerashyo loogu talagalay In lagu sameeyo Burjikooyinka Xaabada iyo Dhuxusha dhaqaaleeya oo ay yeelan doonaan Barakacayaasha kunool deegaanadaas.

Wasiir Faaisa ayaa kula dardaarantay in farsamayaaqanadan ay ka faa’iidaystaan tababarkan islamarkaasna ay dadkooda uga faa’iideeyaan si looga kaaftoomo isticmaalka xad dhaafka ah ee dhuxusha iyo Xaabada oo Deegaanka Bedqabkiisa dhibwayn kuhaya.

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland ayaa mudooyinkii ugu dambaysay xooga saaraysa sidii hoos loogu dhigi lahaa isticmaalka dhuxusha iyo Xaabada maadama ay dad badan u suurtoobayn in ay guud ahaanba ka kaaftoomaan isticmaalka dhuxusha.